4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2017
Booliiska Belgium oo toogtay qof Soomaali ah

 

Sabti, Augusto, 26,2017 (HOL) -- Booliska Belgium ayaa lagu waramayaa in xalay bartamaha magaalada Brussels ku toogtay nin toorey ku dhaawacay labo askari, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa Soomaali.

Ninkan la toogtay ayaa la sheegay in uu ku qeylinayay Allaahu Akbar, ka hor inta uusan beegsan askarta, waxaana markii dambe toogasho ku dilay Booliska.

Xeer Ilaaliyeyaasha Belgium ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in weerarkaas uu yahay mid argagixiso.

Goobta uu weerarka dhacay ayaa la xiray waxaana tan iyo xalay ka socday baaritaano ay wadeen booliiska.

Warbaahinta Belgium ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ahaa Soomaali, waxaa socda baaritaan lagu haayo sidii uu ku soo galay dalkaas iyo hadii uu ahaa nin degenaa.

Kooxda Daacish ayaa dhawaan ku baaqday in weeraro loo adeegsado gaadiidka lagu qaado magaalooyinka Yurub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]