4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Shirkii hogaamiyayaashii hore ee Qaarada Africa oo la soo gabagabeeyay


Sabti, Augusto, 26,2017 (HOL) -- Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa ayaa lagu soo gaba gabeeyay  kulanka madasha hoggaamiyeyaasha hore ee Qaaradda Africa oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday 

Kulankaasi ayaa intiisa waxaa looga hadlaayay qodobo ay ka mid yihiin kaalinta Africa ay ka qaadan karto nabadeynta caalamka intiisa kale iyo sidoo kale dhalinyarada Qaarada Africa in loo diyaariyo mustaqbalka hoggaanka qaarada waxna ay ka bartaan hogaamiyaashii hore.

Soomaaliya waxaa kulankaasi ku matalayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa sanad walba qabta Madaxweynahii hore ee dalka Tanzania iyo Madaxweynahii hore ee South Africa, waaana markii ugu horeysay oo kulankaan lagu qabto South Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]