4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Daawo sawirrada duufaan ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Mareynka


Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) - Duufaanta Harvey ayaa gabaldhicii Jimcihi bilowday inay garaacdo xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, iyadoo Dowlada Mareykankana ka digtay masiibo xoog leh oo ka dhalata duufaantan aadka u xoogan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu saxiixay bayaan qeexaya masiibo heer fadaraal ah, wuxuu sheegay in uu si dhaw ula socdo xaaladda Texas.

Xarunta Qaran ee duufaanada ayaa sheegtay in heerka darajada duufaanta oo awal aheyd sadex ay hadda kor ugu kacday qeybta afraad, taasoo ka dhigeysa in saacaddiiba ay duufaantu jareyso 250-km.

Gudoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in duufaanta Harvey ay noqon doonto masiibo, isaga oo uga digay shacabka inay u diyaar garoobaan fatahaad aanan caadi aheyn.

Duufaanta ayaa xalay soo dharbaaxday magaalada xeebta ku taalla ee Corpus Christi, waxaana hadda ay usoo jiheysatay dhinaca magaalada Houston iyo magaalooyinka kale ee dhaca dhinaca xeebta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]