4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Booliska dalka Belgium oo toogtay muwaadin Soomaali ah oo mindi ku dhaawacay laba askari

 
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) –Booliska dalka Belgium ayaa toogasho ku dilay muwaadin Soomaali ah, kaas oo la sheegay in tooreey uu ku dhaawacay laba kamid ah Militeriga dalkaasi.

Weerarka ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Magaalladda Brussels ee dalka Belgium-ka. 

Muqaalo laga soo duubay halka ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana halkaasi soo gaaray kooxaha gurmadka deg-dega.

Dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa sheegay in ninkan oo aan horey lagu aqoonin falalka Argagixisanimo uu ku dhawaaqayay Allahu Akbar, xiligii uu weerarka ka geysanayay meel dad badan ay socdeen oo waddo laami ah, sida ay sheegtay haweeney afhayeenad ah.

Laamaha ammaanka ayaa ku adkeystay in falka dhacay ay ula macaamilayaan sida weerar adag oo argagixiso.

Qaar kamid ah Soomaalidda dalkaasi ayaa waxaa lasoo gudboonaaday wal-wal dhinaca ammaanka ah.

Duqa Magaalladda Brussels Philip Close ayaa sheegay in uu jirey heegan ballaaran oo ammaanka la xiriira, waxaana ammaanka dalkaasi siweyn loo adkeeyey wixii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay magaallooyinka Paris  2015 iyo  Brussels  2016.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia