3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Taliyaha ciidamada dowladda oo beeniyay in howlgalkii ka dhacay Bariire lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab

 
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) –Taliyaha ciidamada dowladda Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Maraykan ah lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay caruur ahaayeen.

General Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Bariire uuna ahaa mid ku dhacay si aan kutalagal aheyn.

Taliye Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu dhacay kadib markii ciidamada huwanta ah iyo beeralay hubeysan oo ku sugnaa meel u dhow Bariire ay kala shakiyeen, kadibna ay rasaas bilaabatay.

Taliyaha ayaa beeniyay war ka soo baxay saraakiil dowladda ka tirsan oo sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 8 ka tirsan al-Shabaab.

"Waxaan xaqiijinayaa in dadka dhintay ay yihiin rayid, haatanna maydkoodii wuxuu yaallaa cisbitaal Muqdisho ku yaalla" sidaas waxaa yiri Taliye Cirfiid.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lahu sheegay in howlgal Ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada caalamiga ay ku qaadeen agagaarka Bariire ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa xaqiijiyay in howl galkii ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka, isagoo xusay in baaritaan uu socdo.

Wasiirka oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku jira ay rag hubeysan soo rasaaseeyeen, isagoo xusay in laga codsaday markii hore in hubka dhigaan, balse ay diideen.

Dhinaca lale Taliye Cirfiid ayaa VOA u sheegay inuu la kulmay madaxweynaha iyo Ra'isul-wasaaraha, oo uu sheegay inay ka xumaadeen dhimashada rayidka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/26/2017 12:58 PM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddigii loo xilsaaray dhacdadii Bariire looga baahanyaha in muddo 5 maalmood gudahooda ah ay warbixin kaga keenaan dhacdadaasi.

8/26/2017 11:13 AM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) - Duufaanta Harvey ayaa gabaldhicii Jimcihi bilowday inay garaacdo xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, iyadoo Dowlada Mareykankana ka digtay masiibo xoog leh oo ka dhalata duufaantan aadka u xoogan.

8/26/2017 10:33 AM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta la kulmay danjiraha midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dar-dargalin lahaa.

8/26/2017 10:20 AM EST
Sabti, August, 26, 2017 (HOL)-illaa shalay waxa baraha bulshaddu ku wada xidhiidho lagu hadal hayey dhacdo bani’aadanimadda ku xun oo Shirkadda Fly Dubai ku samaysay haweenay ilmo yar wadato oo diyaaraddii ay raacaysay laga soo dajiyey iyo wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan oo rakaabka diyaaradda ka mid ahaa oo la dareen noqday haweenaydaasi oo isna ka soo hadhay diyaaraddii si uu mooralka haweynaydaasi u dhiso.

8/26/2017 7:25 AM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

8/26/2017 6:47 AM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) – Maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin adag u diray dadka garsoorka u raadsada degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab .

8/26/2017 5:59 AM EST
Sabti, Augusto, 26,2017 (HOL) -- Xildhibaanada Galmudug ayaa goor dhow ansixiyay wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Ducaalle Xaaf.

8/26/2017 4:14 AM EST
Sabti, Augusto, 26,2017 (HOL) -- Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa ayaa lagu soo gaba gabeeyay kulanka Madasha Hoggaamiyeyaasha hore ee Qaaradda Africa oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday

8/26/2017 3:56 AM EST
Sabti, Augusto, 26,2017 (HOL) -- Booliska Belgium ayaa lagu waramayaa in xalay bartamaha magaalada Brussels ku toogtay nin toorey ku dhaawacay labo askari, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa Soomaali.

8/26/2017 3:21 AM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) –10 qof oo rayid ah oo saddex kamid ah ay yihiin carruur ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykanka ay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, habeen hore.

8/26/2017 2:57 AM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) –Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sheegtay in dalka Soomaaliya ay kusoo noqdeen 70,516 Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo iskooda ugu soo laabtay dalkooda hooyo tan iyo markii la bilaabay Hawlgalka dib usoo celinta Qaxootiga bsihii December ee sannadkii 2014-kii.

8/26/2017 2:26 AM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) –Shirkii loogu magac daray African Leadership Forum 2017, ee ka socday dalka Koonfur-Africa, ayaa shalay si rasmi ah loosoo gaba-gabeeyay.

8/26/2017 1:33 AM EST
Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) –Booliska dalka Belgium ayaa toogasho ku dilay muwaadin Soomaali ah, kaas oo la sheegay in tooreey uu ku dhaawacay laba kamid ah Militeriga dalkaasi.