4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Dowladda Soomaaliya oo guddi baaritaan u saartay dhacdadii Bariire

 

Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa sheegay in la sameeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi.

Guddigaan ayaa looga fadhiyaa in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dhacadaasi si bulshada loola wadaago xaqiiqda waxaa ka dhacay degaanka bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Jen Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dadkii Shalay lagu dilay degaanka Bariire ay ahaayeen dad Shacab ah oo Masaakiin ah.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si kama’ah ay u dileen dad Shacab ah, oo beeraleey ah oo aan waxba galabsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]