4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Maamulka Koonfur galbeed oo ka digay in garsoor loo aado deegaannada ay maamulaan Al-shabaab

 

Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) – Maamulka Koonfur galbeed ayaa digniin adag u diray dadka garsoorka u raadsada degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab .

Koonfur Galbeed waxa ay sheegtay in dadkaasi tilaabo adag laga qaadi doonto, islamarkaana cidii lagu helo la marsiin doono ciqaab adag.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Baay iyo wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xassan Xusseen Eelaay, ayaa digniintaan si wadajir ah u soo saaray.

Col Mahad C/raxmaan Aadan taliyaha ciidamada booliiska maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shacabka Baydhabo ku nool u sheegay in aysan aadi karin dhulka Al-shabaab ay joogaan, sidoo kalena aysan u tagi karin arrimo Garsoor.

“Maxkamadda Al-shabaab dadka aada, oo  Al-shabaab u dacwooda ayaa la faray ciidamada booliiska in ay qabtaan golaha wasiirada ayaana-na faray, cidii lagu arko iyadoo  Al-shabaab u dacwoonaysa, in la soo qabto sharciga in la horgeeyo oo maxkamadda ciidamada la geeyo, tallaabo sharci ah ayaana laga qaadi doonaa.” ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska gobolka Baay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilihii la soo dhaafay soo saaray digniino kala duwan oo ku wajahan dadka xiriirka la sameeya dagaalyahanada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]