Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Dowladda
Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in siyaasadeeda gun dhig weyn u tahay soo
dhaweynta cid kasta oo ka tanaasusha sida hadalka ay u dhigtay falalka
argagixiso.
War -saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng.
Yariisow ayaa lagu sheegay Dowladda Federaalka in ay soo
dhaweyneyso Mukhtar Roobow Cali oo magaalada Muqdisho ee caasimadda
Soomaaliya jooga, xaqiijiyeyna in uu ka baxay ururka Al-Shabaab.
Warka ka soo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegay iyada oo
laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo, ay dowladdu ballan-qaadeyso soo dhaweynta cid walba
oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.
Qoraalka ayaa sidoo kale loogu mahad celiyay cid walba oo ka qeyb
qaadatay, kaalinna ka geysatay wada-hadalka lala wado Roobow, gaar ahaan
bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada beesha caalamka.
Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta warbaahinta kula hadlay
Muqdisho ayaa si cad wuxuu u sheegay in uu ka baxay Ururka Al-shabaab, muddo
laga joogo shan sano ka hor.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]