4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Warar kala duwan oo ka soo baxaya weerar lagu dilay dad isku qoys ah oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo saddex ruux ayaa ku dhimtay kaddib weerar goor dhaw lagu qaaday gaari ay la socdeen dad isku qoys ah oo marayay agagaarka Isbitaalka Digfeer degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga la rasaaseeyay ay saarnaayeen qoys ka koobnaa 7 ruux oo qaarkood la sheegay in ay ku dhinteen weerarka halka kuwa kalana uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo bartilmaameedsaday dadkan waxaana la sheegay in gaariga ay la  socdeen ay ku dhaganeyd calaamada shirkadda Xawaalada Dahab Shiil.

Taliyaha saldhiga degmada Hodan C/fitaax Bishaar oo goor dhaw la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka isku qoyska ahaa ee saarnaa gaariga.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]