4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 15, 2017
Hoggaamiyaha North Korea oo ku hanjabay in gantaal uu ku tijaabin doono deegaanka Guam

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Hoggaamiyaha dalka North Korea,  ayaa warbixin ka helay ciidamadiisa taas oo sheegeysa in gantaal lagu tijaabinayo deegaanka Guam.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in uu daawan doono jawaabta ka imaan doonta dowladda Mareykanka ka hor inta aan la qaadin tijaabada gantaalka, waa sida ay sheegtay wakaalladda wararka ee dalkaasi.

Todobaadkii lasoo dhaafay, dowladda ayaa sheegtay in ay dhameysay qorshaha lagu tijaabinayo gantaalka.

“Waxaa loo arkayaa wax wanaagsan haddii go’aanka la qaato, balse in la qaato go’aanka ayaa aad u adag”, ayuu yiri sarkaalka haysta ciidamada.

Pyongyang, ayaa ku hanjabtay in ay garaaci doonto Guama, taas oo xaalad gelisay guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Trump, ayaa ka digay in lasii daayo gantaalka, taas bedelkeeda waxaa uu sheegay in si kale xaaladda loo darso.

Warbaahinta caalamka ayaa sidoo kale falanqeyn weyn ku sameyneysa hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia