4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Cali Cabdullaahi Cosoble oo beeniyay in xilka laga qaaday

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL)  – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maalintii shalay la sheegay in kalsoonida lagala noqday ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii xildhibaannada.

Madaxweynaha oo ay bar bar taagnaayeen xildhibaanno ku dhawaad 50 gaaraya ayaa sheegay in uu wali yahay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, isaga oo ku gacanseyray go’aankii baarlamaanka.

‘’Waa sharci darro mooshinka iyo go’aanka la gaaray intaba, sidaana xilka la iigama qaadi karo, walina waxaan ahay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayuu yiri’’ Cali Cabdullaahi Cosoble.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa Jowhar ka sheegay in go’aankii ay ka gaareen xildhibaannada madaxweynaha uu ahaa mid sharci, xilkana uu si ku-meel-gaar ah u sii heyn doono madaxweyne ku-xigeenka.

Maamulka Hirshabeelle ayaa hadda u muuqda mid labo garab u kala jabay oo dhinac walba uu sheeganayo in uu sharciga ku taagan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]