4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Lix askari oo laga dilay howlgalka QM kadib markii weerar lagu qaaday xaruuntooda

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in koox hubeysan ay weerar kusoo qaadeen xaruuntooda oo ku taalla waqoyga magaalladda Timbuktu ee dalka Mali.

Saraakiisha howlgalka QM, ayaa sheegay in ay dileen lix kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday, shalay oo Isniin aheyd.

Sidoo kale weerarka waxaa lagu dilay lix askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Mali, kuwaas oo ka hoos shaqeynaya howlgalka Nabad ilaalinta ee QM.

Afhayeen ku-xigeenka howlgalka QM ee dalkaasi Farahn Haq, ayaa warbaainta u sheegay in kooxda hubeysan ay doonayeen in si xeeladeysan ay kusoo galaan xarunta, balse laga hortagay.

Howlgalka QM ee dalka Mali, ayaa waxaa lagu magacaabaa MINUSMA, waxaana dhawaan la filayaa in howlgalka lagu guuleysto guud ahaan sida ay aaminsanyihiin saraakiisha ciidamada dowladda Mali.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, ayaa cambaareeyay weerarka waxaana uu ku tilmaamay dambi laga galay xeerka caalamka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia