4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
300 oo qof oo ku dhimatay daadad ku dhuftay Sierra Leone

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ku dhimatay magaalladda Freetown, ee caasimadda dalka Sierra Leone, kaddib robab xooggan oo daad ku fatahiyay magaalada sababayna inay guryo soo dumaan.

Guryo ayuu daadku xaaqay, meydad badan ayaana lagu arkayaa waddooyinka magaaladaasi. Khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka kordho, iyadoo loo maleynayo in boqollaal meydad ah ay ku hoos jiraan dhismooyinka burburay. Madaxweynaha dalkaasi Ernest Bai Koroma ayaa sheegay in gurmad degdeg ah loo fidinayo dhibbanayaasha waxa uu ugu yeeray musiibo qaran.

Daadadku kuma cusba dalka Sierra Leone, halkaas oo roobabka xooggan ay qaadaan guryaha aan sida hagaagsan loo dhisin.

Roobabka ayaa aalaaba ku dhufta gudaha iyo deegaannada ku xeeran magaalada Freetown oo ah magaalo-xeebeed ay buux dhaafiyeen in ka badan hal milyan oo qof.

Sanadkii 2015, Freetown waxaa ka dhuftay daadad ka dhashay roobab watay dabeylaha Monsoon-ta kuwaas oo sababay dhimashada 10 qof, halka kumannaan qofna ay guryo la`aan noqdeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia