4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Mukhtaar Rooboow oo warbaahinta u sheegay in uu isaga baxay Al-shabaab

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Ururka Al-shabaab, hasse ahaatee sheegay in uu shan sano ka hor isaga tagay Al-shabaab.

Mukhtaar Rooboow ayaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka sida loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Abuu-Mansuur ayaa shirkiisa Jaraa'id ku yiri “Waxaan cadeynayaa In aan isaga baxay xubinna ka ahayn ururka Alshabaab muddo 5 sano iyo 7 bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan faham iyo khilaaf caqiido ku qotomo oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegeynin” ayuu yiri Rooboow.

 

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Al-shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda, balse Mareykanka ayaa markii danbe ka qaaday Wadaadka xayiraadii saarneyd.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]