4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Wafdi ka socda Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo si diiran loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti.

Wafdiga ayaa waxaa si diirran usoo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, Madaxa Djibouti Telecom Mudane Maxamed Cosoble Buuxe iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ay kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan xiriirka horumarinta Iskaashiga dhinaca Isgaarsiinta iyo boostada.

“Waxa aan u soconaa howllo ay ka mid tahay dhaqan gelinta heshiiska Boostada Jabuuti iyo Soomaaliya oo aan hore u saxiixanay kaas oo ku saabsanaa in Boostada Jabuuti ay noqoto xiriirka Boostada Soomaaliya ee dibedda(Gateway ) iyo arrimo kale oo xiriira horumarinta xiriirka labadda dal ee dhinaca Iskaashiga horumarinta Isgaarsiinta” ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Somaaliya Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan.

Wafdiga ayaa waxaa la filayaa marka ay kulamadooda dhameystaan in ay warbaahinta faahfaahin ka siiyaan waxa kasoo baxay kulamadooda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia