
Khamiis, 22, 2016 (HOL) - Sheekh Max’uud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culam’udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland oo warbaahinta ku la hadlay Garoowe ayaa si weyn u cambaareeyay dilalka qorshaysan ee maalmihii ugu danbeeyayba ka dhacayay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Sheekh Max’uud ayaa sheegay in dilalkaasi xaaran yihiin cida fulinaysana ay baadil ku sugan yihiin sidda uu hadalka u dhigay, waxaana uu ugu baaqay kuwa dilalka geysanaya in ay alle u towbad keenaan.
"Maalmahan sida aan ka warhayno dadkii idhaha u ahaa bulshada ayaa la laynayaa, waxaa laynayaa kuwii dadka aan waxba galabsan dili jiray, dilalkaasi waa kuwii Ilaahay Qur’aankiisa ku sheegay oo shanta ciqaabood iska lahaa waana Xaaran".
Siddoo kale dhalinyarda dilalkan loo adeegsanayo ayuu ugu baaqay in ay soo alle uga towbad keenaan, waxaana uu xusay in gacan waliba waxa ay gayso ay leedahay, kuwaa soo dirayna dhaliyarada aysan maalinta aakhiro waxba u taridoonin.
"Dadka dilkaas fulinaya waxaan leenahay ILAAHAY u toobad keena intaad fursada haysataan,wax aad sameyneysaan waa wax xaaran ah,gacan waliba waxay goyso ayay leedahay, wiilasha dhalinyarada ah ee la so diray ee dilka fulinaya maalinka aakhiro kuwa idin soo diraya waxba idiin tarimayaan".
Ugu danbeyntii, hadalka Sheekh ayaa imanaya iyadoo Magaalada Boosaaso todobaad ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dilala qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland
Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL: [email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya