
Khamiis, Diseembar 22, 2016 [HOL]-Dawlada Liibiya ayaa dib u soo celisay Afrikaan doonayay inay baddeeda ka tillaabaan.
140 Afrikaan ah oo macnaha ka yimid qeybo kale oo qaarada Afrika ah ayaa waxaa dib u soo celisay dawlada haatan ka jidha Liibiya. Dadkaa ayaa doonayay inay ka gudbaan badda Mediterranean dabadeedna ay galaan qaarada Yurub.
Dadkaa ayaa si sharci darro ah kusoo galay caasimada dalkaa ee Tripoli.
Madaxa borotakoolka ee ururka la dagaalanka hijrada geyru sharciga ah ee Liibiya, Abdel Razek Sheneit ayaa sheegay in dawlada Liibiya iyo IOM ay iska kaashadeen dib usoo celinta muhaajiriintaasi doonayay inay ka tillaabaan Mediterranean.
Yurub ayaa waxaa buux dhaafshay qaxooti kakala yimid daafaha caalamka qaarada Afrikana ay kujirto ayadoo sanadkaan oo qura ay Yurub galeen 1.4 milyan oo muhaajiriin ah.
Midowga Yurub ayaa ku bixiyay 610 milyan oo euro sidii loo joojin lahaa qaxootiga kasoo gudbaya Mediterranean ee soo galaya Yurub.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]