Khamiis, December, 22 . 2016 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa ku soo bandhigtay deegaanka lagu magacaabo Bariire ee gobolka Sh/hoose odayaal la sheegay in ay ka tirsanaayeen ergadii xildhibaannada aqalka
hoose ku soo doortay Galmudug.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in odayaashan oo tiradooda gaareyso 7 oday dhaqameed magaalada Cadaado uga qeybgaleen doorashadii xildhibaannada.
Waxaa ay sheegeen in odayaashan ahaayeen kuwo iskood isku soo dhiibay oo qirtay in ay qaldeem, waa sidda ay hadalka u dhigeen Al-shabaab.
Waa markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay soo bandhigaan shaqsiyaad ay ku tilmaameen in ay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaannada baarlamaanka.
Ugu danbeyntii, ma jirto cid xaqiijin karta in odayaashan ka tirsanaayeen ergadii soo dooratay xildhibaannada, marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]








