Al-shabaab oo sheegatay in ay gacanta ku dhigeen askari ka tirsan AMISOM



Khamiis, December, 22. 2016 (HOL) -  Saraakiisha Al-shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gobolka Sh/hoose gacanta ku dhigeen askari ka tirsanaa ciidammada AMISOM.

War lagu qoray baraha Internetka taageera ururka Alshabaab askarigan ayaa xilligii la qabanayay watay qori Ak-47 ah iyo afar qasnadood.“Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamo gaar u tababaran ayaa waxaa lagu guuleystay in lagu soo qabto askari u dhashay dalka Uganda, kana tirsan soo duulayaasha AMISOM.”ayaa lagu qoray bog ka mid ah baraha ay isticmaalaan ururka Alshabaab,

Waxaa ay sheegeen in askarigan marnaba isku dayin in uu dagaalamo kadib markii uu ogaaday in lagu hareereysan yahay, isaga oo markii danbe isku dhiibay sidda ay hadalka u dhigeen xoogagooda howlgalka ku jiray.

Ugu danbeyntii, dhinaca kale,  ciidammada AMISOM ayaa bartooda Twitterka  waxa ay ku shaaciyeen  in ay baadigoobayaan mid ka mid ah ciidamadooda oo ku sugnaa xero ku taal magaalada Qoryooley.

Gobolka Sh/hoose ayaa lagu tilmaamaa halka ugu badan oo ay ka dhacaan dagaalada u dhaxeeya Al-shabaab iyo AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]