Bariis caag ka sameysan oo lagu qabtay dalka Nigeria


Khamiis, December, 22, 2016 (HOL) Nigeria waxay ay la wareegtay 2.5tan oo "bariis caag ah" oo dalkaasi si qarsoodi ah lagu geliyay, waxaana laga keenay Shiinaha, sida saraakiisha dowladda dalkaasi ay sheegayaan.

Waxaa arrintaasi lagu eedeeyay dad ay dowladda ku tilmaamtay damiir laawayaal ganacsato ah, sida laanta adeegyada macaamiisha ee dalkaasi ay sheegtay.

Madaxa laanta sharciyeynta alaabta dalkaasi la geliyo ee Lagos, Haruna Mamudu wuxuu sheegay in la doonayay in bariiskaasi been abuurka ah lagu iibiyo suuqyada xilliga dabaaldegga.

Waxaa uu sheegay in bariiskan marka lakariyo uu dhegdheg yeelanayo, "Alle oo keli ah ayaa og waxa dhici lahaa" haddii shacabka ay cuni lahaayeen.

Bariis sidan oo kale ah oo caag ka sameysan ayaa sanadkii hore lagu qabtay dalka Shiinaha.

Bariiska waa mid ka mid ah cuntooyiinka sida weyn looga cuno dalkaasi Nigeria iyo inta badan qaaradda Afrika oo loogu jeceyl badan yahay.

Dowladda Nigeria ayaa shaybaar u dirtay bariiska si loo ogaado caagga rasmiga ah ee laga sameeyay.

Waxay sidoo kale shacabka uga digayaan in aysan iska iibsan cuntooyiinka, maadaama halis ay gelin karaan nolosha.

Inta badan dalka Nigeria ayaa la sheegay in ay aad ugu yar tahay fadeexadda la xiriirta raashinka been abuurka ah, marka la bar bar dhigo dalka Shiinaha.

Laakiin dhinaca kale marka la eego Nigeria waxaa la leeyahay fadeexadda ugu weyn waxaa ay tahay ka ganacsiga dawooyinka been abuurka ah.

Sidoo kale dowladda Nigeria waxay weli baareysaa, haddii uu jiro bariiskan caagga ah in shacab laga iibiyay.

Ugu danbeyntii, Mr Mamudu ma sheegin sida loo sameeyay bariiskan, balse waxaa lagu tilmaamay "in uu yahay bariiska ugu wanaagsan ee Yaanyo lagu kariyo", markii ay xayeysiinayeen ganacsatada sameysay.

Xigasho BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]