
Khamiis, Diseembar 22, 2016 [HOL]-Baytulmaalka QM ee dhisidda nabadda ayaa ansixiyay mashruuc loogu tala galay qaxootiga Kenya kalaabanaya ee Soomaaliya tagaya.
Maalintii Salaasada ahayd ee la soo dhaafay ayaa baytulmaalka QM ee dhisidda nabadda uu ansixiyay $3m oo loogu tala galay horudhaca mashruucaa. Mashruucaa ayaa si kastaba ha ahaatee waxaa loogu tala galay kutababaridda qaxootigaa xirfado.
Xirfadahaa ayaa loogu tala galay inay qaxootigaasi wax ku qabsadaan markii ay tagaan magaalooyinka Soomaaliya sida Baydhabo ama Muqdisho.
Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hayada qaxootiga ee UNHCR ayaa ku heshiiyay saddex sano ka hor in qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya kunool lagu caawiyo sidii ay Soomaaliya ugu noqon lahaayeen si iskood ah.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]