Xildhibaano kale oo ku soo baxay doorashada xubnaha gobollada W/qooyi ee Muqdisho ka socta



Khamiis, December,  22, 2016 (HOL) – Magaalada Muqdisho waxaa wali ka sii socta doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W.qooyi oo hadda heer gaba-gabo ah ku dhaw, waxaana doorashadii maanta ku soo baxay ilaa saddex xildhibaan.

Xildhibaannada ku guuleystay doorashadii maanta dhacday ayaa kala ahaa Biixi Iimaan Cige oo heshay 47-cod.Cabdirisaaq Daahir Maxamuud oo helay 49-cod.iyo Saciid Maxamed Maxamuud oo helay 43-cod.

Dhinaca kale, maanta oo ah 22ka December waxaa loo balansanaa in magaalada lagu qabto doorashada guddoonka labada aqal, hasse dib u dhac ayaa ku yimid lamana oga waqtiga rasmiga ah ee doorashada la qabanayo.

Horay waxaa uu dib u dhac ugu yimid dhaarita baarlamaanka cusub oo madasha wada-tashiga Qaran ay sheegeen in ay dhaceyso 15-kii bishan oo la soo dhaafay.

Ugu danbeyntii, guddiga doorashada gobollada W/qooyi ayaa shaaciyay in maalinta Sabtiga ah ee ku beegan 24bishan Muqdisho lagu qabanayo doorashada xildhibaannada aqalka sare ee beellaha ka soo jeeda W/qooyiga Soomaaliya [Soomaaliland]

C/raxmaan Diini ,Hiiraan Online
[email protected]