Khamiis, December, 22, 2016 (HOL) - Maanta oo ay taariikhu ku beegan tahay 22ka bisha December 2016ka, waa maalin ku asteysan sidda qorshuhu ahaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka cusub Soomaaliya ee sanadkan 2016ka, taasoo muujineysa dib u dhac mar kale ku yimid doorashada.
Jadwalka loo dajiyay doorashada oo ay horay ugu hishiiyeen hogaamiyayaasha madasha wadatashiga ayaa u muuqda mid meesha ka sii baxaya, iyadoo dhinaca kale uusan jirin jadwal cusub oo ilaa iyo hadda leysku raacsan yahay oo ay soo saareen madaxda Qaranka iyo hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka oo wali Muqdisho ku shirsan.
Waxaa soo dhamaantay doorashadii xubnaha labada aqal ee lagu qabtay xarumaha maamul gobolleedyada ka jira dalka, marka laga reebo gobollada W/qooyi oo wali doorashadooda ay ka socto magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana la bixinayo kaararkii aqoonsiga xildhibaannimo oo ilaa iyo hadda la siiyay tiro kooban oo xildhibaano ah.
Qorshaha waxaa uu ahaa in 15kii bishan December la dhaariyo xildhibaannada baarlamaanka, hasse ahaatee waxaa arintaa hareeyay muran iyo khilaaf ka dhashay go’aan ka soo baxay 14kii bishan guddiga
madaxabanaan ee doorashada oo laalay 11 kursi oo ka mid ah xildhibaannadii lagu soo doortay gobolada dalka.
Siddoo kale dib u dhac ugu weyn ayaa lala xiriirinayaa xildhibaannada oo aan ku wada sugneyn magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaarkood dalka dibadiisa isaga anbabaxay kadib markii ay xaqiiqsadeen ka mid
noqoshada baarlamaanka cusub ee sanadkan.
Ugu danbeyntii, waxaa iska cad in doorashada hogaanka ugu sareeya dalka dib ugu dhacday ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2017da , walow wali aan go’aan laga gaarin waqtiga rasmiga ah ee doorashada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]