
Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Ergayga Maraykanka ee dalka Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa sheegay in dowladdiisu ay soo dhaweynayso golaha wasiirrada cusub ee Somalia oo habeen ka hor uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, kuwaasoo ka kooban 20-wasiir.
James P. McAnulty ayaa ammaan u jeediyay dhammaan dadkii ka qayb-qaatay sidii xal loogu heli lahaa khilaafaadkii hareeyay magacaabista golaha wasiirrada Somalia, isagoo ku dhiirri-geliyay dhamaan inta ku lugta leh arrintan inay si deg-deg ah u soo gaba-gabeeyaan arrimaha ku saabsan dhismaha dowladda cusub.
“Maadaama aan nahay saaxiibbada Soomaaliya, Maraykankan ahaan waxaan rajaynaynaa in Somalia ka gudubto qalalaasaha siyaasadeed ee daba-dheeraaday, dibna loo laban-laabo dadaalladii iyo ujeedooyinka Hiigsiga cusub ee sannadka 2016-ka,” ayuu yiri McAnulty.
Wakiilku wuxuu intaas ku daray. “Dowlada Maraykanku xukuumadda lasoo dhisay way soo dhaweynaysaa. Waana tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya. Waxaana ugu baaqaynaa in nabadgalyada dalka la sugo, dowlad-wanaag la helo iyo in 2016-ka ay ka dhacdo dalka doorsho xor ah.”
Sidoo kale, ergayga Mareykanka ee Somalia wuxuu warbixintiisa ku xusay in la joogo xilligii dhinac la iska dhigi lahaa khilaafyada siyaasadeed loona soo jeesto sidii diiradda loo saari lahaa danta Qaranka.
Ugu dambeyn, James P. McAnulty ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay garab-is-taagto xukuumadda iyo shacabka Soomaaliya, ayna sii wadi doonaan taageerada ay Somalia siiyaan ee ku aaddan sidii loo gaari lahaa nabadgelyo buuxda, xasillooni iyo barwaaqo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya