Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dhawaajisay in tiro ka badan 38,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay khatar dhinaca nafaqo-darrada ahi ku haysato gudaha Soomaaliya, iyadoo horay ay Qaramada Midoobay in gaajo baahsan ay ka jirto gudaha Soomaaliya.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo iyadoo hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya Somalia ay sheegeen in heerka kharaha cunno-yari ee Soomaaliya ka jira ay soo kordhaysay saddexdii sano ee lasoo dhaafay.
Warbixinta oo ay soo saartay hay’adda FSNAU ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dad ka badan 731,000 oo qof oo ay ku jiraan 203,000 oo carruur ah ay nafaqo-darro xooggan ay ku haysato gudaha Somalia, taasoo ay sheegeen inay ka dhalatay cunno-yarida ka jirta Soomaaliya.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in 29% khatarta caruurta Somalia ku nool soo wajahday ay hoos u dhacday lixdii bilood ee aynu soo dhaafnay. Waxaana warbixinta lagu xusay in roobab yarida deegaannada Somalia ka jirtay sannadkii hore ee 2014-kii ay sababtay inaanay beeraha aan si fiican loog guran miro.
"Carruur badan ayaa weli ay hayso nafaqo-,-darro ba’an, inkastoo ay hoos u dhac yar laga dareemayo warbixintii la ururiyay lixdii bilood ee aynu kasoo gudubnay,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda FSNAU. Waxaana intaas ay ku dartay hay’addu. "Qiyaastii 202,600 oo ah carruurta ay da'doodu ka yar tahay shan sano ay nafaqo-darri ba’an hayso, kuwaasoo ay ku jiraan 38,200 oo carruur ah oo qarka u saran dhimasho.”
Afar meelood saddex ka mid ah carruurtan ayaa waxaad halay qoysas uga cararay deegaan-nadooda abaaro iyo colaado is-biirsaday oo deegaanno kala duwan oo Somalia ka dhacay sannadkii hore ee 2014-ka.
Ugu dambeyn, madaxa gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in saadaalaha ay hayaan ay muujinayaan in 2015-ka ay walwal weyn oo laga qabo cunno-yarida Soomaaliya oo kororta.
Si kastaba ha haaatee, 250,000 oo qof oo kala bar ay yihiin carruur ayaa u dhintay gaajo iyo nafaqo-darro sannadkii 2011-kii, markaasoo gobollo badan oo Soomaaliya ku yaalla ay ku dhufteen abaaro sababay macluul baahsan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya