Jidka Warshadaha oo lagu billaabay Nalalka ku Shaqeeya Ileyska Cadceedda


Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah loogu billaabay xirtaanka nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, kuwaasoo horay loogu rakibay waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray naleynta jidka warshadaha oo aan weli dayactirin.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in mashruucaan naleynta jidka Warshadaha uu ka mid yahay mashruucyo badan oo dalka ka socda, waddadaasna ay tahay midii ugu dambeysan ee la naleynayo.

Jidkan oo dhererkiisu yahay 10-km ah ayuu xusay Muun-gaab in lagu xirayo nalal gaaray 333 nal oo ah kuwa cad-ceedda ku shaqeeya, isla markaana ay yihiin nalal tayo wanaagsan leh, howshanna uu fulinayo maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa sheegay in malalkaan ay qayb muhiim ah ka qaadan doonaan ammanka guud ee Muqdisho, sidoo kalena uu rajeynayo in howshan ay soo gaba-gabeeyaan inta aan la gaarin 04-ta bisha Maarso ee soo socota.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka faa’ideystaan mashaariicda caasimaddaa laga fulinayo, waxaana ciidamada booliiska ee gobalka iyo maamulkuba ay ilaashadaan nalalkaas; iyagoo shacabka kaashanaya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa nalalka ku shaqeeya cadceedda horay looga hirgeliyay Jidad kala ah Maka Al-Mukarama, wadnaha iyo soddonka oo dhammaantood ah waddooyinka waaweyn ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya