Shariif Xasan & wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta dib ugu laabtay Baydhabo


Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Baydhabo ee gobolka Bay, isagoo in mudo ah ku maqnaa Muqdisho iyo Afgooye.

Shariif Xasan ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ka furay shir lagu heshiisiiyay beelo ku dagaallamay gobolkaas, shirkaasoo isla shalay lagu soo gaba-gabeeyay degmada Afgooye.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee Koonfur-galbeed oo kasoo qayb-galay shirka lagu heshiisiiyay laba beelood oo muddo ku dagaallamayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, madaxweynaha KMG ee Koonfur-galbeed waxaa garoonka ku soo dhaweeyay golahiisa wasiirada iyo qaybaha bulshada, iyadoo dhawaan la filayo in lasoo dhiso golaha baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed..

Xildhibaannada maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia ayaa waxaa laga soo xuli doonaa deegaannada uu maamulkan ka taliyo oo kala ah; Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Hiiraan Online, Baydhabo