Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Bristol ee dalka UK ayaa laba qof Soomaali ah oo ku lug lahaa tacadiyo dhanka galmada ah; sida kufsi iyo jir dil iyo ka ganacsiga jirka oo ay u gaysteen afar gabdhood oo aan qaan-gaarin oo horay xabsi loogu xukumay ayaa hadda loo kordhiyay sannadihii horay loogu xukumay.
Saciid Zakariye oo laba iyo labaatan jir ah horayna loogu xukumay 11-sano oo xarig ah ayaa ayaa hadda waxaa loogu kordhiyay shan sano oo kale oo ay xabsiga kusii jiri doonaan.
Halka Cumar Jimcaale oo 20-jir ah oo horay loogu xukumay labo sano xabsi ah ayaa loogu kordhiyay hal sano oo xabsi dheeraada ah, iyadoo tani ay ku timid baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameeyay labadan ruux ee Somalida ah.
Wiilashan ayaa waxay ka mid ahaayeen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu helay dambiyo la xiriira kufsi iyo ka ganacsi haween da’yar ah, iyadoo la maxkamadeeyay bishii November ee sannadkii hore 2014-kii.
Dhallinyaradan Soomaaliyeed ayay booliiska Bristol sheegeen in lagu qabtay hoteel ku yaalla magaaladaas, iyadoo ay booliisku xuseen inay gabdho afar ah oo da’doodu u dhexeyso 13-sano illaa 17-sano ay ku haysteen, kuwaasoo ay jirkooda ka ganacsanayeen.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda ayaan xarigii horay loogu xukumay 11-ka wiil ee kale waxba ku kordhin, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo dhallinyaro Somali ah lagu helo dambi noocan oo kale ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya