WARAN-CADDE: Dhallinta amni-darrada wada Sharciga ayaa lala tiigsanayaa


Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Waasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Max'ed Waran-cadde ayaa u digay dhallinyaro uu sheegay inay xilliga habeenkii ah falal ammaan-darro ka geystaan Somaliland, gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Hargeysa.

Cali Waran-cade ayaa si buuxda u sheegay inay jiraan dhallinyaro abaabulan oo ammaan-darro geysta xilliyada habeenkii ah, isagoo sheegay in ruuxii ay ku qabtaan isagoo lugaha kula jira falalkan ay xukun adag marsiin doonaan.

“Ruuxii aan ku qabanno isagoo falal ammaan-darro faraha kula jira waxaan ka qaadaynaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu Waran-cadde qaar ka mid ah warbaahinta ugu sheegay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in haddii waaliddiinta dhallinyaradan amni-darrada wada ay ka baaqsadaan inay falalkaas ka waaniyaan ay noqonayso in iyaga iyo carruurtoodaba sharciga lala tiigsado.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada amniga Somailland ay ku amreen inay ka-hortagaan cid kasta oo caqabad ku ah ammaanka Somaliland, wuxuuna wasiirka waalidiinta dhalinyarada amni-darada wada ugu baaqay inay ka joojiyaan carruurtooda falalka ay gacmaha kula jiraan.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa shacabka Somaliland ka dalbaday in ciidanka amniga ay kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa nabadgalyada deegaannada Somaliland, loogana hortegi lahaa wuxuu ku sheegay dad fara-ku-tiris ah oo amniga carqalad ku haya.

Si kasatba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo Somaliland ay ka cabato dhallinyaro dhibaatooyin ammaan-darro ka geysta deegaannada uu ka taliyo maamulkaas oo ay ku jirto magaalada ugu weyn ee Hargeysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya