Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa amartay sii daynta muwaadin British ah oo ku eedeysnaa sagaal dambi oo ay ku jirto inuu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in Jermaine Grant oo la amaray in la sii daayo lagu tuhmay inuu qorsheynayay qaraxyo ka geysto gudaha Kenya iyo inuu xiriir la leeyahay Al-shabaabta, welina dacwada arrintaas ay taagan tahay.
Jermaine Grant ayaa xabiga loo taxaabay bishii december ee sanadkii 2011-kii, waxaana laga qabtay magaalada xeebta leh ee Mombasa; isagoo xilligaa watay qalab isugu jira kiimikooyin laga sameeyo walxaaha qarxa iyo kuwo kale.
Qaaliga oo lagu magacaabo Anastacia Ndungu ayaa ka sheegtay Mombasa in ninkan British-ka ah laga tuuray inta badan dambiyadii loo haystay oo ay ka mid tahay inuu qorsheynayay inuu geysto qaraxyo, balse inuu argagaxisada xiriir la leeyahay ay sii jiri doonto.
Ugu dambeyn, Grant ayaa la rumeysan yahay inuu ku biiray Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya; isagoo ay xiriir wada lahaayeen Richard Ried oo ahaa shaqsi doonayay inuu weerar is-miidaamin ka fuliyo Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii markii ay Kenya gudaha Soomaaliya u soo dirtay kumannaan askarteeda ah waxay ka geysanaysay gudaha dalkaas weerarro isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya