Xarunta Soomaaliya oo dhismaysa kaddib 25-sano oo colaado ah (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — In ku dhow 25-sano oo Somalia ay ka jireen colaado hal-qabsina u noqotay caalamka oo dhan; ayaa maanta u muuqataa inay kasoo kabanayso dhibaatooyinkaas oo dhan, inkastoo ay la tacaalayso dowladda federaalka Soomaaliya sidii nabadda dalka oo dhan ay nabad uga dhigi lahayd.

Boqollaal-kun oo Soomaali beeralayda ahaa kuna noolaa miyiga ayaa hadda wax ka barta iskuullada ku yaalla Muqdisho. Iyadoo dad badan oo dibadda u qaxayna ay billaabeen inay caasimadda Somalia dib ugu soo laabtaan.

Mid ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee dibadaba kasoo laabtay ayaa sheegay inuu aad ula yaabay horumarka ka jira Muqdisho, isagoo xusay in 13-sano ka hor uu ka tagay Somalia, xilligaasoo ay dagaallo ka socdeen.

“Waxaan xasuustaa Muqdisho oo ahayd meel aad u burbursan oo ay colaadi ka jirto, balse hadda waxaa ii muuqata in magaaladu ay tahay mid dib u soo kabanaysa,” ayuu yiri Cumar Nuur oo kasoo laabtay dibadda.

Sidoo kale, Cumar ayaa sheegay in magaalooyin badan oo Somalia ku yaalla ay ka socdaan hadda dib u dhis xooggan, wuxuuna taas ku tilmamaya inay tahay dib u soo laabashada Soomaaliyada cusub.

Muddo sannad laga joogo deegaanno badan oo daris dhow la ah Muqdisho ay gacanta ku haysay Al-shabaab, laakiinse hadda waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa caawinaya ee AMISOM.

“Arrimaha waa-weyn ee isoo jiitay markaan Muqdisho isoo jiita waxaa ka mid ah dib u dhiska ka socda magaalada, hoteello waaweyn oo magaalada camiray, suuyo laga dukaameysto oo sameysmay iyo sidoo kale carwooyin aad ka adeegan karto xilli walba,” ayuu hadalkiisa ku daray Cumar.

Wuxuu kaloo xusay in wadooyinkii uu ogaa iyagoo burbursan ay hadda dib u dhismayaan, isagoo dowladda Turkiga uga mahadceliyay mashaariicda ay ka hirgelinayso Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwo aad loogu farxo.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo xilka loo doortay dhammaadkii 2012-kii ayaa sheegay in dalka ay ka dhici doonto doorsho xor ah marka la gaaro sannadka 26-ka, taasoo meesha ka saaraysa hab-qaybsiga awoodeed ee ay dowladdu hadda ku dhaqanto ee ah 4.5-ka.

“Waxaan nahay dowlad dhismaysa,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia oo ku daray intaas. “Qofna yaanu ku fikirin in dib ay u soo noqdaan colaadihii laga soo gudbay… waxaana naga go’an inaan dalka gaarsiinno siyaasad loo dhan-yahay.”

Ugu dabeyn, Cumar Nuur wuxuu sheegay inuusan dalkiisa ka carari lahayn haddii aanay dagaallo sokeeye ka dhici lahay. Balse uu hadda ku faraxsan yahay inuu kusoo laabtay, isagoo sheegay inuusan doonayn inuu mar kale dibadda uga baxo.

Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ayaa weli wadda qaraxyada kala duwan ee ay ka geysanayso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay toddobaad ka hor lala eegtay Hotel SYL oo ay deggenaayeen wafdi Turki ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya