5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 22, 2014
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Nuur Cadde oo Muqdisho kusoo laabtay


Axad, June 22, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho; iyadoo ay garoonka diyaardaha Muqdisho kusoo dhaweeyeen wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, wasiiradda Haweeka iyo xuquuqda aadanaha, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Nuur Cadde oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in dib ugu soo laabashadiisan ay kusoo beegmayso curashadii bisha barakeysan ee Ramadaan si uu uga faa’iideysto faa’iidada ay bisha leedahayna uu dalka ugu soo laabtay.

“Waxaan u imid ka qayb-qalka sidii gurmad loogu fidin lahaa barakacayaasha iyo dadka tabaaleysan ee Muqdisho ku nool, maadaama ay soo galayso Ramadaan, waxaan shacabka ka codsanayaa inay ilaaliyaan midnimada iyo jiritaankooda, waana ku faraxsanahay sida la ii soo dhaweeyay,” ayuu yiri Nuur Cadde.

Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd ayaa sheegay in Muqdisho uu ugu yimid muqaal duwan sidii uu horay u ogaa ayna taasi soo jiidatay, isagoo ka digay in dalka la geliyo dagaallo iyo rabshado kale.

Nuur Cadde ayaa wuxuu ra’iisul wasaare kasoo noqday dowladdii uu hoggaanka u yahay marxuum Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isagoo sidoo kale qayb weyn ka qaatay heshiiskii dhexmaray dowladdii uu ka tirsanaa iyo Midowgii Maxkamada Islaamka, kaasoo sababay in madaxweynihii Sheekh Shariif iyo xubno ku fikir ahaa ay dowladda kusoo biiraan.

Heshiiskaas ayaa sababay inay ciidamadii Itoobiya ee ku suganaa Soomaaliya ay ka baxaan sannadkii 2009, inkastoo ay dib ugu soo laabteen saddex sano ka hor iyagoo haatanna ka mid ah ciidamada Midowga Midowga Afrika ee AMISOM.

Mudane Nuur Cadde ayaa soo noqday danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga iyo ergaygii Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana xilkaas laga qaaday sannad ka hor, isagoo aysan jirin wax xil ah oo uu u hayo dowladda hadda jirta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya