Axad, June 22, 2014 (HOL) — Booliiska Somalia ayaa soo bandhigay magacyada 10-qof oo ay sheegeen inay joogaan Muqdisho ayna ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo doonaya inay qaraxyo ka geystaan magaalada Muqdisho.
Inkastoo booliisku aysan sheegin xilliga ay doonayaan raggan inay qaraxyada ka fuliyaan caasimadda ayaa haddana waxaa mid ka mid ah dadkan oo magacooda iyo taleefoonkooda lasoo bandhigay uu VOA-da u sheegay inuusan ka mid ahayn Al-shabaab, khatarna uusan ku ahayn ammaanka Muqdisho.
Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in raggan ay yihiin kuwo ay ciidamada sirta dowladdu magacyadooda iyo taleefoonnadooda soo heleen.
“Ciidamada dowladda ee dhar cadka ah ayaa magacyada iyo taleefoonnadan soo helay, waana kuwo lagu kalsoon yahay oo la hubiyay, waxaana wadnaa qorshihii aan kusoo qaban lahayn,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.
Sidoo kale, afhayeenka oo la weydiiyay sababta ay u shaaciyeen intii ay howlgal sameyn lahaayeen ayaa sheegay inay doonayaan inay shacabka la wadaagaan in xubnahan ay kusoo wargeliyaan ciidamada amniga haddii ay arkaan.
Dadka magacyadooda lasoo bandhigay ayaa kala ah: Ibraahim Cabdiraxmaan Axmed, Maxamed Nuur Muunye, Cabdirisaaq Yuusuf Aadan, Maxamed Xirsi Yuusuf, Maxamed Shirwac Cali, Xuseen Yuusuf, C/llaahi Raage Cumar, Maxamed Cabdi Cali, Xasan Cali Liibaan iyo Bilaal Aadan Khayre.
Balse nin magaciiisa ku sheegay, Cali Muxamed Afrax oo ka mid ah dadka ay soo bandhigeen taleefooonnadooda ciidamada booliiska Somalia oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn eedeynta loosoo jeediyay.
“Shacab badan oo aan garanayo ayaa i soo wacay iyagoo i leh Al-shabaab miyaa ka mid noqotay, waa maxay arrinta ay booliisku soo bandhigeen, balse booliiska, suxufiyiinta iyo cid kale oo isoo wacday ma jirto weli,” ayuu yiri wiilkan Afrax ku sheegay magaciisa.
Mar la weydiiyay wuxuu ka shaqeeyo iyo inuu khatar ku yahay amniga Muqdisho ayaa sheegay inuu ka shaqeeyo rinjiyeynta guryaha, wax khatar ahna uusan ku ahayn amniga dalka, gaar ahaan Muqdisho. Sidoo kalena uusan ahayn booliis iyo Al-shabaab midna.
Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo booliiska Somalia ay si rasmi ah u soo bandhigaan, iyadoo hay’adaha ammaanku ay dhowr jeer ka digeen inay dhici karto in Muqdisho ay xaalad amni oo khatar ah gasha bisha Ramadaan ee foodda nagu soo haysa.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya