Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo sheegay inay samaysteen E-passport


Axad, June 22, 2014 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay soo sameeyeen dal ku gal casri ah oo lagaga maarmi karo Passporaddiii hore.

Sidoo kale waxa uu sheegay in E=passporkan cusub ay qorshaynayaan in lagu tago Xajka si looga maarmo dal ku galka Soomaaliya lahaan jirtay. Sidaasna wuxuu ka sheegay mar uu maanta hortagay golaha Guurtidda oo uu uga warbixinayey amniga guud ee dalka iyo sidda ay amniga u sugayaan.

"Somaliland waxaa ay samaysay Passport- layidhaahdo E-Passport oo ka heer sareeya ka Soomaaliya,waxaana ay difcadiisii u horaysay ay soo dagtay Shalayto waxaa ku baxay lacag fara badan oo hal milyan oo dollar ah halkaa milyan inaga oo baahi badan qabna ayaa hadana waxa aynu u samaynay laba arimood in Caalamka aynu ugayno Passport ay mashiinadoodu akhriyi karaan oo ay garan karaan halka uu ka soo baxay Cida wadata noocu yahay iyo in aanu ahayn Been abuur Cidkale sidato ta labaad-na waxa weeye dalkan in aynu ka jarno Soomaaliya oo dib in aynu ula soo noqo Xoriyadeenii waxaa aynu udaadinay Dhiig badan”ayuu yidhi Warancadde oo sharaxaya muhiimadda uu Passporkan cusubi u leeyahay Somaliland.

“Waxaan doonaynaa in dawlada Sucuudiga inta Xajka ka horaysa haddii ilaahay yidhaahdo in aanu u gayno Passport-ka Somaliland  Sucuudigu yaanu na ictiraafsnaan laakiin waa uu ina yaqaanaa in aynu nahay dad qarana oo gooni u taagan wuu na yaqaana in aanan ahayn dad Soomaaliya ka mid ah,waxaanu u sheegi doona in ay noogu ogalaadaan in aanu ku soo xajno oo anay nagu khasbin mid aan dawlad wadan oo aanan wakiil ka ahayn"ayuu raaciyey hadalkiisa.

Wasiirka Arimaha gudaha ayaa sheegay inay soo saareen amaro lagu adkaynayo nabadda, isla markaana qofkii qof dilay loo dili doono oo aan lagu hayn doonin jeelasha, sidoo kale waxa uu sheegay in cidii hawlgaladda ciidanka wadaan rasaas kaga jawaaba in wixii soo gaadha aan cidna lagu lahayn.

Dhinaca kale,  Taliyaha Ciidanka Booliska Gen:C/laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay shalay qabteen nin xidhnaa xijaabka dumarka, isla markaana ay baadhanayaan sababta uu u xidhay.

“Waa jirey in ninkaas ciidanka Bilaysku shalay qabteen, waana la baadhayaa, wixii natiijo ah ee ka soo baxana dib baanu ka sheegaynaa iyo waxa ku kallifay, Kamana hordhacayo.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal.

Taliye Fadal ayaa sheegay inay ciidanka Nabadgelyada Somaliland si Buuxda gacanta ugu hayaan Ammaanka Guud ee Dalka, isla-markaana ay gacan bir ah u qabanayaan cidkasta oo carqaladaynaysa, waxana uu yidhi, “ciidanka boolisku waxay mar walba diyaar u yihiin inay sugaan Nabadgelyada, si fiicana way u wadaan, cidkasta oo halis ku ahna way qabtaan.”

Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa shalay gacanta ku dhigay nin isku eekaysiiyey dumarka, isla markaana xidhay xijaabka, waxaanay ka soo qabteen suuqa, ka dibna waxay usoo gacan galiyeen ciidanka amniga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland