Puntland oo diidday Heshiis DFS ay la gashay shirkaddaha Shell & EXON

Axad, June 22, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeesatay heshiis dowladda faderaalka Soomaaliya ay la gashay shirkadaha Shell iyo EXON, si ay dib ugu billaabaan baaritaanadii shidaal ee xeebaha dalka.

Agaasimaha macdanta iyo shidaalka Puntland, Ciise Dhoolowaa oo ka hadlay heshiiska dowladda ay ku doonayso in lasoo saaro shidalka dalka wuxuu sheegay inaysan Puntland aqbali doonin in deegaannadeeda shirkad shidaal oo aysan iyagu ka warhayn wax ka baarto.

Wuxuu tilmaamay in dastuurka uu dhigayo in heshiisyada caalamiga ah ee ay galeyso dowladda federaalka ah in laga qayb-geliyo mamullada ka jira dalka, balse taasi aysan dhicin, isagoo xusay inaysan aqbali karin in dowladda ay gaarto go’aan ku aaddan inaysan waxba ka jirin heshiisyadii ay horay Puntland u gashay.

"Waxaa jira heshiis ay dowladda faderaalka la gashay shirkadaha Shell iyo EXON, waxaana jira inay shirkaduhu doonayan inay dib u howl billaabaan si dhaqso ah, balse mowqifka Puntland wuxuu yahay inaysan aqbali doonin heshiiska, waxaana idiin caddeynayaa inaysan Puntland aqbalayn shirkad deegaannadeeda ka barta shidaal," ayuu yuri agaasimaha macdanta iyo shidaalka Puntland.

Puntland waxay sheegtay inaysan dowladdu wax la tashi ah kala sameyn heshiiska, wuxuuna intaa ku daray inay doonayan shidaal laga baaro deegaannada laakiinse shidaalka in lagu baari karo qorsho ay Puntland wax ka ogtahay.

"Maamulka Puntland ma aqbali doono shirkadaha shidaalka ee dowladda dhexe ay heshiiska la gashay, waayo wax tallo ah nagalama siin, heshiiska waa mid aanay Puntalnd aqbali doonto," ayuu hadalkiisa ku daray.

Puntland ayaa horay dhowr mar uga soo horjeesatay heshiisyo dhinaca baarista shidalka ah, waxaana shir sannad ka hor ka dhacay magaalada London oo looga hadlay arrimaha shidaalka Soomaaliya oo ay ka qayb-galeen shirkadaha baara shidaalka laga soo saaray in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee heshiis la gali karta shirkadaha doonaya inay shidaal ka baaraan Soomaaliya,balse go'aanka way qaadacdey Puntland.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Soomaaliya