Cayaaraha HIRDA Amsterdam Summer-ka 2014-ka oo la soo Gaba-gabeeyay


Axad, June 22, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Amsterdam ee dalka Holland lagu soo gaba-gabeeyay 21-kii bishan koobka kubadda cagta Soomaalida ee HIRDA Summer Cup 2014, kaasioo ay sannadkaan ku loolamayeen illaa iyo 16-kooxood oo isaga kala yimid gobollada kala gedisan ee Holland iyo koox ka timid magaalada Antwerpen ee Beljium.

Cayaarahan oo ah mid sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Amsterdam ayaa inta ay socotay waxaa lagu soo bandhigay buugaag Soomaaliyeed oo ka hadlaya dhaqanka, taariikhda, arrimaha bulshada, maaweelada, siyaasadda iyo cajalado muuqaal ah oo loogu talo-galay carruurta (Bandhiga Buugaagta Soomaaliyeed), waxaana sidoo kale cayaaraha markii ugu horresay lagu soo bandhigay hees cusub oo loogu magac-daray (cayaara) oo ay ku luuqeeneysay fannaanada Laki Xaaji Waceys.

16-kii kooxood ee tartankan ku loolamay ayaa kala ahaa: Amsterdam, Alkmaar, Rotterdam, Almere, Nieuwgein, Utrecht, Nijkerk, Venry, Antwerpen, Eindhoven, Zwolle, Hoofdorp, Denbosch, Nijmegen, Gauda, Purmerend, iyadoo ay kooxuhu soo bandhigeen cayaaro aad u xiiso badan oo soo jiitay dadkii daawanayay.

Kooxda Eindhoven iyo Purmarend ayaa ugu dambeyn isugu soo haray cayaarta finalka ah, waxaana horyaalka sannadka ee cayaaraha HIRDA Summer Cup 2014-ka noqotay kooxda Eindhoven, iyadoo koobka uu guddoonsiiyay kooxdan oo ka socotay gobolka Noord-Barabant guddoomiyaha HIRDA, Inj. Maxamed Cigaal.

Daawashada cayaarahan ayaa waxaa ka qayb-galay, madaxda HIRDA, aqoon-yahanno Soomaaliyeed, odayaal, waxgarad, fannaaniin, rug-cadayaal isboorti iyo boqolaal dhallinyaro ah oo isugu jiray rag iyo dumar.

Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa HIRDA Summer Cup 2014 ayaa noqday Cali  oo u cayaarayay kooxda Purmarend, waxaa abaalmarin guddoonsiisay Laki Xaaji Waceys.

Macallinka sannadkaan ee cayaaraha HIRDA ayaa noqday Macallin Mustafa oo kooxda Nieuwgein hoggaaminayay, waxaana abaalmarin guddoonsiisay, mid ka mid ah ciyaarahannadii hore ee Kubada Koleyga Qaranka Soomaaliyeed Maama Batuulo Xaaji Nuur.

Goolhayihii ugu wanaagsanaa ayaa noqday goolhayaha kooxda Eindhoven, Cabuudi waxaana abaalmarinta guddoonsiiyay, Ing. Maxamed Cigaal.

Kooxda Purmarend ayaa waxaa la guddoonsiiyay koobka kaalinta labaad ee cayaaraha HIRDA Sumer Cup 2014, waxaana guddoonsiiyay mucjisaha kubadda miiska, Magan Tahir Yuusuf.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha hay'adda HIRDA, Ing. Maxamed Cigaal ayaa u hambalyeeyay kooxda Eindhoven oo noqotay horyaalka sannadkan, sidoo kale wuxuu ammaan ujeediyay dhammaan kooxihii kasoo qayb-galay cayaaraha ee muujiyay cayaar-wanaagga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya