GOS oo Muqdisho ka billowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Olympic-kada


Axad, June 22, 2014 (HOL) — Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya ee GOS ayaa Muqdisho ka billaabay tartamada lagu weyneynayo maalinta caalamiga ah ee Olympic-kada taasoo ku beegan 23-ka bisha Juun.

GOS ayaa sannad walba ku maamusta xuska Olympic-kada tartamo kala duwan oo isugu jira noocyada ciyaaraha sida; kubadda koleyga, kubadda gacanta, kuwa fudud, xarig jiidka iyo tartamo kale, iyadoo waddooyinka lagu arko ciyaaryahano xiran astaanta shanta goob ah ee Olympic-kadu caanka ku tahay, iyadoo ay ka gacan siinayso sannadkan dhinaca dhaqaalaha shirkadda xawaaladda Dahabshiil oo ka mid ah shirkadaha ka howlgala dalka ee dhiirri-geliya isboortiga.

Garoonka kubadda koleyga ee Wiish Ex-luujino ayaa maanta lagu soo bandhigay funnaanadaha astaanta GOS iyo Olympic-kada, kuwaasoo ay xirnaayeen ciyaar-yahannada kooxaha HEEGAN iyo ILS oo ciyaar si weyn looga masquuday kusoo bandhigay garoonkaas.

Kaaliyaha xoghayaha GOS , Maxamed Xuurshe Xasan (EENOW) ayaa sheegay in guddiga Olombikada Sooomaaliya ay muhiimad gaar ah ugu fadhido qabashada tartamada iyo xuska maalmaha caalamiga ah ee IOC, gaar ahaan Olympic-day.

“Sannad kasta ayaanu sidaan oo kale uga qayb-galnaa maalinta farxadda leh ee 23-ka Juun, innagoo qabanna tartamo iyo barnaamijyo kale, waxaana iminka billownay barnaamijyadaas oo socon doono ku dhawaad hal todobaad oo laguna tartami doono noocyada ciyaaraha oo ay ka qayb-galayaan in ka badan 500 oo ciyaartoy,” ayuu yiri Eenow.

Maalinta Olympic-day ayaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah IOC ee caalamka ay si weyn ugu dabbaal-dagaan, iyadoo tartamo iyo barnaamijyo kale lagu soo bandhigo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya