
Axad, June 22, 2014 (HOL) — Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka, John Kerry ayaa magaalada Qaahira kula kulmay hogaamiyaha cusub ee Masar Abdel Fattah el-Sisi,kaasi oo dhwaan la wareegay xafiiska ugu sareeya ee dalkaasi.
Booqashada Kerry ayaa lagu sheegay mid muhiim u ah labada dhinac, waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen arimo la xiriira siyaasadaha is diidan ee gobolka ka jira iyo waliba sidii xoriyaddooda dib loogu soo celin lahaa suxufiyiin u xiran militariga Masar.
Masuuliyiin ka tirsan aqalka cad ee Maraykanka ayaa tilmaamay in madaxweynaha Masar uu kaga faa’idaysan karo booqashadan arimo badan oo u baahan in dowladdiisa ay wax ka qabato sida dhaqaali darridda wadanka soo wajahday tan iyo intii ay kacdoonadu bilowdeen.
Asisi aya la wareegay talada dalkaas bishii Jully ee sanadkii hore kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mursi oo si dimuqraadiyad ah loo soo doortay,waxaana intaa ka dib sii kordhay kacdoonada looga soo horjeedo milatariga dalkaas.
John Kerry ayaa lagu wadaa in booqashooyin kale oo rasmi ah uu ku tago dalal ku yaall bariga dhexe oo qaarkood ay joogaan ciidamo Ameerikaan ah sida Ciraaq ,isaga oo kala xaajoon doona madaxda dalkaasi arimo ku aadan khilaafyada ka jira gobolka iyo arimaha shidalka .
Ugu danbayntii xiriirka Masar iyo Maraykanka ayaa ahaa mid aan caga badan ku taagnayn tan iyo intii ay bilowdeen kacdoonada ,waxaana madaxweynaha hadda talada haya xilka loo dhaariyay 8-dii June kadib doorasho aan si xor ah u dhicin oo dalka ka qabsoontay sida ay qabaan dadka falanaqeeya arimaha siyaasadda.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]