Axad, June 22, 2014 (HOL) —Xuska sannadguuradii 54-aad ee kasoo wareegtay markii ay xorowday Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, iyadoo loo xiray xuskan waddo weyn oo halbole u ah ganacsiga magaalada, waxaana ka qayb-galay xuskan madaxda gobolka Minnesota iyo laga soo doorto dagmooyinka gobolka, iyadoo ay sidoo kale kasoo qaybgaleen labada xildhibaan oo laga doorto Minnesota.
Xildhibaannada ka qaybgalay xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya ayaa kala ah: Amy Klobuchar iyo Senator Al Franken, duqa magaalada Minneapolis, Mayor Betsy Hodges, State Senator Jeff Hayden iyo kuwo kale oo badan.
Amy Klobuchar ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ka codsatay inay taageeraan murashaxa guddoonka waxbarashada Minneapolis, Siyaad Cali oo la-taliye u ahaa xildhibaan Amy toddobadii sannadood ee lasoo dhaafay. Iyadoo sheegay inay kala hadashay madaxweynaha Kenya in la joojiyo tacadiga iyo xarigga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, waxayna ballan-qaadday inay dhibaatada xawilaadaha wax ka qabanayso intii ay awooddo.
Qaban-qaabada quruxda badnayd ee xuska waxaa lahaa urur dhallinyaro oo ka dhisan gobolkan Minnesota kaasoo lagu magacaabo KA JOOG, waxyaalaha lagu soo bandhigay sannadkan waxaa ka mid ahaa aqal Soomaali iyo Muddul oo ay dadka Soomaaliyeed dhaqan u leeyihiin, iyadoo ay ahayd markii ugu horreysay ee lagu arko dalka Maraykanka.
Xafladda waxaa kaloo ka qaybgalay duqii hore ee magaaladda Muqdisho, Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo goobta ka jeediyay khudbad qiiro leh, isagoo dadwaynahii halkaa isagu yimid kala hadlay arrimo badan sida dib u dhiska dalka, in aqoonta loo celiyo dadlka, in laga fogaado qabyaaladda.
Tarsan wuxuu sidoo kale ka hadlay in la adkeeyo midnimada Soomaalida, lagana fogaado qabayaaladda iyo wax walba oo dhibaato ka dhex-dhalin kara shacabka Soomaaliyeed, iyadoo khudbaddan ay si aad ah ugu riyaaqeen dadkii kasoo qayb-galay xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa goobta ka hadlay xildhibaan Maxaed Axmed Keynaan oo ka sheekeeyay waxii loo soo maray xoriyadda aan hadda haysano 54-sano ka hor, xildhibaanka wuxuu dadka kula dardaarmay in taariikhda wixii laga bartay wax lagu qaato, xilli dambe oo Somalia dagaal iyo dib dhac uga yimaadana laga feejignaado.
Xuska ayaa lagu soo bandhigay bandhigay heeso ciyaaro dhaqameed , iyo bandhig dhar xirasho, fannaaniinta gobolka Minnesota ayaa soo bandhigay heeso wadani iyo jacayl leh, ururka dhallinyarada KA-JOOG ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii howshan ka qaybqaatay.
Maalmaha xorriyadda Soomaaliya ayaa ku kala beegan 26-ka bishan Juun oo ay naga xigaan maalmo iyo 01-da Luuliyo oo ay naga xigaan iyadana maamo qura, iyadoo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ay hormarsadeen xuskaas.
Siyaad Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota























