5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2014
Ururka ARDAA oo Dadweynaha gobolka Awdal ugu bishaareeyay billaabidda Dhismaha Wajigii hore ee Dekedda Lughaya (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 03, 2014 (HOL) — Ururka ARDAA ee gobolka Awdal ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda magaalada Boorama waxayna kaga hadleen laba arrimood, iyadoo shirkan ay ka hadleen mas’uuliyiinta ururkaas.

Guddoomiyaha ururka ARDAA ee gobolka Awdal, Sheekh Xasan Daheeye Axmed oo ugu horreyn ka hadlya kulanka aya a  mahadnaqay cid walba oo ka qayb-qaadatay dhiirri-gelinta iyo wax ka qabashada dhismaha dekedda lughaya wuxuuna muujiyay rajo wayn isagoo Alle ka baryay inuu u rumeeyo riyadooda.

Sidoo kal,  waxaa isna ka hadlay Sheekh Maxamed Daahir Dhawal oo ka mid ah mas’uuliyiinta heer gobol ee ururkan wuxuuna sheegay inay dhawaantan billaabi doonaan wajigii ugu horreeyay ee  dhimaha dekeda Lughaya, isagoo intaas ku daray in jaaliyadda dalkaasi Norway ay kala qaybqaadan doonaan dhismaha dekedda Lughaya, taasoo uu sheegay inay qayb ka noqon doonto dadaallada loogu jiro sidii reer Awdal deked u heli lahaayeen.

Ugu danbeyn, waxaa hadal baraarujin iyo baaq ah u jeediyay qurba jooga ka soo jeeda gobolladan Awdal/Selel iyo Gabiley, Inj. Bilaal wuxuuna ugu baaqay in gacmaha la is-qabsado loogana wada qayb-qaato dhismaha dekedda Lughaya sidii loo dhamaystiray waddada laamiga ah ee isku xirta Boorama iyo Dila.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii u dambeeyay ururka ARDAA ay ka heleen qayb ka mid ah qalabkii lagu billaabi lahaa wajiga hore dhismaha dekedda Lughaye iyo deeqo lacageed oo ka timid jaaliyadaha gobolladan Awdal/Selel iyo Gabiley oo dalka dibaddiisa jooga.




Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland