Sarkaal u hadlay booliiska Soomaaliya oo sheegay inay ku guuleysteen inay Sannadkii hore fashiliyaan qorshayaan amni-darro

Jimco, Janaayo 03, 2014 (HOL) — Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkii tagay ee 2013 ay ciidamada ammaanka dowladda ku guuleysteen inay fashiliyaan falal badan oo Al-shabaab ay doonaysao inay ka fuliso magaalada Muqdisho.

Jeneraal Axmed Xasan Maalin oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidanka booliiska Soomaaliya ah taliayaha howlaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in booliisku ay sannadkii hore ay ka hortageen falal argagixiso, kuwaasoo qorshahoodu ahaa in ammaanka lagu qal-qal-geliyo.

“Booliisku waxay sannadkii hore ka hortageen falal la doonayay in dhibaato loogu geysto shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa qaraxyo ay Al-shabaab doonayso inay ka fuliso caasimadda,” ayuu yiri Jen. Maalin oo aan sheegin goobaha ay Al-shabaab doonaysa inay la beegsato qaraxyada.

Sidoo kale Jen. Maalin ayaa tilmaamay in fashilnta qorshayaashan ay yihiin kuwo ku yimid wada-shaqeyn iyo is-faham dhex-maray ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo dareemay qiimaha nabad-galyada iyo dhibaatada ka dhalata falalka ka dhanka ah ammaanka iyo qaraxyada ay argagixisadu la beegsadaan goobaha ay bulshadu ku badan yihiin.

Ugu dambeyn, sarkaalkan ayaa rajo ka muujiyay in sannadka cusub 2014-ka uu noqon doono midkii ay ciidamadu si buuxda ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

Hadalka sakaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo sannadkii hore ay qaraxyo waaweyn oo aan horay loo arag uga dhaceen Muqdisho, kuwaasoo qaarkood lagu weeraray xarumaha dowladda, halka mid ka mid ahna lagu weeraray xarunta UNDP ee Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay sidoo kale falal ammaan-darro oo qaarkood lagu dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno oo ay xildhibaanno ku jiraan ay ka geysteen Muqdisho sannadkii hore.

Maalintii koowaad ee sannadkan cusub 2014 ayaa waxay Al-shabaab weerar qaraxyo ah la beegsadatay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya oo ay ka mid yihiin taliyeyaashii booliiska degmooyinka Wardhiigley iyo Shangaani.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya