
Jimco, Janaayo 03, 2014 (HOL) —Iyadoo ay afar maalmood oo qura ka harsan yihiin waqtiga ay dhici doonto doorashada madaxtinimada ee Puntland, ayaa waxaa soo badaneysa tirada murashaxiinta sheegay inay tanaasuleen oo aysan doorashada ka qayb geli doonin.
Shalay waxaa magaalada Garoowe kaga dhawaaqay in uu tartanka doorashada ka baxay Murashax Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo horay Puntland xilal sarsare uga soo qabtay.
Maantana waxaa sheegay inay tartanka doorashada ka tanaasuleen labo murashax oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Gablax iyo Murashax Xaaji Maxamed Yaasiin.
Murashaxiin kale oo dhowr ah oo Dr. Saadiq Eenow uu kamid yahay ayaa wararka laysla dhex marayaa waxay sheegayaan in ay doorashada ka hari doonaan.
Tirada murashaxiinta shaaciyey inay u tartami doonaan xilka madaxweynaha oo ahayd 23 murashax, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay hoos ugu dhacdo 10 murashax oo keliya.
Isxulafaysi iyo isu tanaasul murashaxiinta dhexdooda ah ayaa jira, waxaana murashaxiinta ugu cad cad kamid ah: C/raxmaan Faroole, C/weli Gaas iyo Cali Xaaji Warsame.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya