
Jimco, Janaayo 03, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah haween Boorame ayaa kutub cilmi ugu deeqay maktabadda Saylac ee magaalada Boorama waxaana deeqdaas ka guddoomiyaha maamulka machadka Saylac iyo qaar ka mid ah culummada reer Awdal.
Munaasabaddan ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay maamulaha guud ee maktabada iyo machadka Saylac, Sheekh Xasan Khayre Dirir wuxuuna ka warbixiyay deeqdan kitaabta ah iyo halka ay ka timid isagoo sheegay inay deeqdan kitaabta ah ee culuunta Islaamka ay soo gaarsiiyeen gabdho Soomaaliya oo deggen magaalada Damaam ee dalka Sacuudi Carabiya.
Sheekha ayaa sidoo kale gabdhaha Alle uga baryay in kitaabtaas ay lasoo baxeen Alle in miisaanka xasanaadka ugu daro waxaa kaloo uu ummadda Soomaalida iyo Islaamka ugu baaqay inay ku daydaan haweenkaas kuna soo deeqaan kitaab laga faa’iidaysto oo u noqoto sadaqa jaariya ah.
Sidoo kale, waxaa iyagna hadallo mahadnaq ah u soo jeediyay haweenka Soomaaliyeed ee Damaam ku nool Sheekh Xasan Daheeye Axmed, Sheekh Maxamed Yuusuf, Sheekh Maxamed Daahir Dhawal iyo Sheekh Maxamed Xaaji Abiibakar waxayna dhamaantood Alle gabadhahaas uga baryeen in kutubtaas ay soo direen uu Alle ajar iyo sadaqo joogto ah ka siiyo si ay miisaanka xasanaadkana maalinta qiyaamaha Alle ugu daro.
Deeqdan kutubta ah ayaa wax wayn ka tari doonta maktabaddan Saylac oo ay ardayda wax ka barata machadka barashada culuunta diinta islaamka iyo luqada carabiga ee Saylac ay meel u noqdaan oo ay baaris cilmiyeed ka sameeyaan waxayna hablahani mudan yihiin ku dayasho wacan.







Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland