Jimco, Janaayo 03, 2014 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa la qaatay kulamo kala duwan Naadiga Akhriska ee Maskaxmaal, ururka TOL iyo ururka ARDAA, iyadoo kulammadan oo dhan ay warbaahintu dibad-joog ka ahayd.
Kulammadan oo qaatay saacado dhaa-dheer ayaa waxa kale oo ka qayb-galay xubnaha ururradaas hormarinta bulshada reer Awdal, waxaana la sheegayaa in intii ay socdeen ay Prof. Samatar iyo bahdii hormarka ee kala duwanayd ee la shirtay ay is waydaarsadeen xoggo dheeraad ah oo ku aaddan hormarinta dhinacada kala duwan ee aqoonta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo hilitaanka hoggaan midaysan oo danaha dadka reer Awdal u adeega.
Goobjoogayaal ka qayb-galay kulammadan ayaa shabakada HOL uga warramay waxay ka wadahadleen Prof. Samatar iyo qaybahan uu la kulmay waxayna sheegeen in kulankii uu la yeedhay Prof. Samatar madasha Akhriska Maskaxmaal la isla soo qaaday kaalinta dhillinyarada reer Awdal ee dhinaca hormarka, waxaana hoosta laga xariiqay oo looga warramay Prof. Samatar duruufaha ku gadaaman dhallinta reer Awdal oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku habsatay shaqo la’aan ka jirta dalka; sidoo kalena ay sahay u noqotay dhallinta reer Awdal mashaqada tahriibka oo wali xal iyo xakame loo la’yahay.
Sidoo kale, waxay goobjoogayaashu intaas ku dareen in Prof. Samatar uu sheegay inay jiraan duruufo guud oo ay dhallinta reer Awdal la wadaagaan dhallinyarada Somaliland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la ogsoon yahay in dhallinta reer Awdal ay yihiin kuwo dhinaca akhlaaqda iyo aqoontaba ka dhisan oo hormar keeni kari, balse loo baahan yahay inay dadaalkooda ku daraan damac siyaasadeed oo ay kaga qayb-qaadanayaan saaxada siyaasadfa ee dalka oo uu xusay inay tahay midfa salka u ah hormarka la raadinayo ee dalka ka hana qaadi kara”
Dhinaca kale, goobjoogayaal warbixin xaddidan ka baxiyay kulankii ay wada yeesheen Prof. Samatar iyo xubnaha ururka TOL ayaa xusay in muhiimadda kulanka lagaga hadlay ay ahayd in ficil loo rogo hiigsiga ururka TOL ee ku aaddan dhinaca hoggaan isbedel horseeda oo ay yeeshaan dadka reer Awdal, waxayna wararku intaas ku dareen in magacii ururka ee ahaa TOL Leadership Council loo bedelay TOL Consultative Council.
Kulankii uu la yeeshay Prof. Samatar hoggaanka ururka ARDAA ee ku hawlan dhismaha dekedda Lughaya ayaa waxay ilo wareeyadu sheegayaan in la isla soo qaaday in tallaabooyinka illaa hadda la qaaday ee lagu dhisayo dekeda Lughaya la balaadhiyo lagana dhigo kuwo si balaaran u wada gaadha dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee dekedaas kaluumaysiga ee Lughaya, kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda xukuumada Somaliland-na ay ku jirto. Sidoo kale waxaa la sheegay in kulanka la isku waydaarsaday xogo daahfuraya in himiladaas dhismaha dekedda Lughaya ay meel wanaagsan marayso.
Si kastaba ha ahaatee kulammadaas ay wada yeesheen Prof. Samatar iyo ururada Hormarinta Bulshada Awdal ay ahaayeen kuwo ku dhamamaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan oo la isla meel dhigay in laga wada qayb qaato hiigsiga himilooyinka ku saleysan hormar balaaran oo dhinaca kobcinta dhaqaalaha, ka qayb-qaadashada siyaasadda iyo helitaanka hoggaan suuban oo danaha dadkan u adeegga salka ku hayay.
Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland