Jimco, Janaayo 03, 2014 (HOL) — Wariye Faysal Jaamac Aadan oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Laascaanood una warrama Bar-kulan Radio ayaa barqadii maanta lagu xidhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Lama garanayo sababta kaliftay in wariyahan la xidho hase ahaatee waxay dad goobjoogayaal ah HOL u xaqiijiyeen inuu damcay inuu sawir ka qaado rabshado saaka ka socday magaalada oo ay hoggaaminayeen haweenka ganacsataaa ee gobolka.
Rabshadahan ayaa waxay la xidhiidhaan iyadoo maalintii shalay haween badan oo gancsato ah lagu xidhay magaalada kaddib markay fowdeeyeen ciidamadii ku howlanaa xariga ganacsatadan.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool