SHARIIF SHIIKH AXMED: “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Midnimada Somalia”


Jimco, Janaayo 03, 2014 (HOL) — Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo daggan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa ka hadlay xaaladda ay Soomaaliya, xilligan ku sugan tahay; isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedyo ka dhacay gobollada dalka qaar ka mid ah.

Sheekh Shariif ayaa jeediyay khudbad uu kusoo beegay billowga sannadkan cuusb ee 2014-ka, isagoo dhinacyada abaabulaya colaadaha ugu baaqay inay joojiyaan, wuxuuna beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay is cafiyaan ayna kuwada noolaadaan walaalnimo.

"Dhammaan inta ku howlan abaabullada iyo hurinta colaadaha, waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan, waayo colaad waxaa ku dhinta wiil ee wiil kuma dhasho, aad ayaana uga xumahay in gobollada Soomaaliya qaarkood ay ka dhacaan colaado beeleed xilliga. Soomaalidu waa inay fikirtaa, waayo in ka badan labaatan sano ayay qori isku wadatay, waana in taas laga gudbo oo laga shaqeeyo horumarka iyo dib u dhiska dalka,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in colaadihii dib loogu laabto, iyadoo la ogyahay inaysan jirin wax faa’iido ah oo lagu gaaray muddadii ay dagaallada sokeeye socdeen; isagoo si gaar ah uga hadlay tuulooyin laug gubay dagaallada oo uu sheegay inay tahay caado aad u xun oo uu ku baaqayo in laga gudbo.

"Waa mid aan ka xumahay in dhaqamo muddo hore lag soo gudbay ay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed xilligan ku dhaqmaan, waxaase loo baahan yahay inay meesha ka baxaan dhaqamada ku saleysan gubidda tuulooyinka iyo in la dilo dad aan waxba galabsan, caruur iyo haweena deegaannadoodii laga barakiciyo oo ay meelo deegaanno kale dhibaato ku haysato,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Isagoo sii halaya ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is-qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka dalka, wuxuuuna intaas in dadaal badan lagu bixiyo nabadda, dowladnimada iyo walaalnimada sidii loo xoojin lahaa, lagana shaqeeyo wixii dalka, dadka iyo diintaba ay dani ugu jirto.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilka madaxweynimo ee Somalia loo doortay sannadkii 2009, isagoo xilka hayay tan iyo sannadkii 2012 markaas oo doorashadii ugu horreysay oo Muqdisho lagu qabto muddo 22-sano ka badan kaga guuleystay madaxweynaha hadda xilka Xasan Sh. Maxamuud oo ay isugu soo hareen wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya