Jimco, Janaayo 03, 2014 (HOL) — Cabdiraxmaan Cali Xasan (Colow) oo ahaa Seneter laga soo doorto degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo booqasho mahadcelin ah ugu yimid jaaliyadda Soomaalda-Kenya ee ku nool gobolka Minnesota ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada Minneapolis.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaygbalay jaaliyadaha kala duwan ee dagan gobolka Minnesota, waxaana ka hadlay madax hore sida wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, Xuseen Mataan waxuuna uga mahadceliyay dadaalladii uu u galay in xal nabadeed loo helo arrimaha Soomaaliya, 1992 illaa 2013, uuna afar jeer tagay gudaha Soomaaliya, socdaalladaas oo kii ugu dambeeyay uu ku tagay Soomaaliya markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Cabdullaahi Sheekh Irshaad oo kasoo jeeda Wajeer ayaa ka hadlay taariikh kooban oo ku saabsan sanetar Colow waxuu xusay intuusan siyaasada gelin inuu ahaa macallimiintii ugu qiimo badnaa ee dagaanka ka shaqeeyay, sidoo kale Irshaad wuxuu sheegay inaysan jirin inta taariikhda la og-yahay mas’uul laba jeer hela doorashada deegaanka Wajeer marka laga soot ago Colow oo laba jeer ku guuleystay.
Dr. Siyaad Cabdullaahi oo isaguna ah madaxda Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda dalka Kenya ayaa u mahad-celiyey Colow, gaa ahaan sida uu dadaallada uu ku bixiyay horumarinta dhulka Soomaalida dagto ee Kenya, gaar ahaan Wajeer oo ah meel ay ka dhacaan dagaallo qabiil, isagoo xusay inuu hadda yahay deegaanka ugu nabdoon, wuxuuna intaas raaciyay inuu yahay Colow qof ka dhex muuqda 47 senetar oo laga doorto gobolka uuna u yahay horjooge.
Sidoo kale, C/raxmaan Cali Xasan (Colow) oo ah xildhibaan laga oso doorto deegaanka Wajeen oo isagana goobta ka hadlay ayaa qurbo-joogta kula dar-daarmay inay maal-galiyaan dhulalka ay Soomaalidu dagto.
“Dhibta ka jira dalka waxay samaysay gobolka oo dhan, ciidanka Kenya oo galay Soomaaliyana ma ahan mid dan gaar ah laga leeyahay, xukuumadda Kenya dhaqaalaha ugu badan wuxuu kasoo gala dalxiiska hadde markii xilli maalin ah ajanabigii gudaha laga kaxayso sow maahan inaan dhibaatadaas ka hortagno?,” ayuu yiri Colow oo intaas ku daray in Soomaaliya oo nabad hesha ay nabad u tahay dallaka Bariga Afrika waxayna Somalia nabaddeeda faa’iido ugu jirtaa dalalka Qaaradda oo dhan.
Khudbadda Colow oo aad u qiimo badnayd ayay dadkii goobta yimid aad ula dhaceen ,waxaana su’aalo laga waydiiyay arrimaha siyaasada dallaka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya waxuuna dhammaan uga jawaabay si siyaasadi ay ku dheehan tahay.
Siyaad Siciid Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota