C/weli Sheekh oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan Kalsoonidii lagala Laabtay

Axad, December 07, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha kursiga banneynaya C/weli Shiikh Axmed ayaa ka hadlay caawa kalsooni kala laabashadii shalay, isagoo xusay inuu la qayb-sanayo shacabka Soomaaliyeed dareenkiisa ku aaddan go’aankii xildhibaannada qaarkood ay codka kalsoonida ugu diideen xukuumaddii uu hoggaaminayay.

Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa shalay codka kalsoonida u  qaaday RW C/weli Sheekh iyo xukuumadiisa, iyadoo 153 xildhibaan ay diideen, 80 xildhibaan ay ogolaadeen, laba mudanena ay ka aamuseen.

“Shalay oo taariikhdu ahayd 06, 12, 2014, xildhibaannada baarlamaanka waxay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda aan hoggaminayo. Sidaa awgeed, waxaan si ay kalsooni ku jirto u soo dhaweynayaa go'aankaas... si buuxda ayaana u aqbalay. Waxaana ku faraxsanahay in goluhu go’aankan meel-mariyay iyagoo xasilloon oo aanu buuq jirin. Waxaana sidoo kale bogaadin u jeedinayaa guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo si dadaal uu ku dheehan jiro ku daadihinayay kulankii shalay. Waxaan u mahad-celinayaa xildhibaannada oggolaaday iyo kuwii diiday kalsooni kala noqoshada aniga iyo xukuumaddeydii, labada dhinacna waxay si sharafi ku dheehan tahay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaad ogtihiin in mooshinku uu keenay muran ka dhashay sharci-ahaantiisa iyo kala qaybsanaan siyaasdeed oo saamayn ballaarana ku yeeshay hawllaha xukuumadeydii iyo weliba kan baarlamaanka. Waxaan si gaar ah u amaanayaa xubnihii baarlamaanka ee muujiyay biseylka una tanaasulay danta shacabka iyo badbaadinta Qaranka; kuwaasoo aqbalay in la gudo-galo in laga doodo mooshinka. Waxaan si gaar ah ugu boorrinayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is-cafin ku bedelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardar-gelinta hawlaha Qaranka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha kalsoonida waayay ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud wada-shaqayntii dhex-martay muddadii sanadka ahayd ee uu xafiiska joogay.

“Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha Somalia oo aan shaqo baaxad leh wada-qabannay muddo hal sano ah oo aan xilka hayay. Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa saaxiibaday, xubnaha golaha wasirirada oo aanu ka wada-shaqaynay waxqabadka la-wada qirsan yahay ee xukuumaddu ay ku tallaabsatay muddadii ay jirtay. Wax-qabadkaas waa mid wadareed oo aynu dhammaanteen wada leenahay,” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha xafiiska banneynaya ayaa dhanka kale sheegay inuusan iloobi doonin taageeradii hagar la’aaneed ee shacabka Soomaaliyeed oo ku nool gudaha iyo dibadda dalka ay u muujiyeen muddadii uu shaqeynayay iyo beesha caalamka oo mar walba garab-taagnayd xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, C/weli ayaa kula dar-daarmayaa shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirka iyo walaaltinimadooda.

“Dalkeennu wuxuu u baahan yahay xasillooni, waana mid lagu gaari karo oo keliya marka lagu dhaqmo sharciga. Dadkeennu waxay u baahan yihiin hor-umar; waxaana lagu gaari karaa isku-tashi, amni iyo cadaalad. Somalia ha Noolaato,” ayuu kusoo afjaray hadalkiisa ra’iisul wasaaraha lagu wado in uu dhawaan xilka banneeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya