Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Lagu Hor Dhaariyay Madaxweynaha


Axad, December 07, 2014 (HOL) — Guddidda Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha hortiisa, kuwaas oo ku ballanqaaday inay dhex dhexaad u noqon doonaan xisbiyadda iyo musharaxiinta tartamaysa.

Guddoomiyaha maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil ayaa toddobadda xubnood ee ay ka kooban yhiin guddidaasi mid mid u dhaariyey, waxaanu markii uu dhaarta dhameeyey ilaahay u beryey inuu cadaaladda tuso, isla markaana si dhex dhexaadnimo ah hawlahoodda u qabsan doonaan.

“Xilkaas Aad umada u qaadeen eed Musharaxiinta u qaadeen,waanu idiin Ducaynaynaa ee ilaahay ha idinku Asturo,waxaana Laydinka Doonayaa Go’aamada Aad gadhaan in ay Noqdaan Qaar umadu ku liibaanto,Ciida Ayaad xilkaas u qaadeen iyo Dalkabee Cadaalada ku hogaamina Dalka.” ayuu yidh gudoomiyaha maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil.

Madaxweynaha Somalilnad Axmed Maxamed Siilaanyo oo dhaarta kaddib halkaasi ka hadlay ayaa guddidan cusub ee doorashooyinka ku guubaabiyey inay hawlahoodda u qabsadaan si cadaaladda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta hortayda la idinku dhaarinayo, waxaan Illaahay ka rajaynayaa in Hawshiinu noqoto mid lagu wada badhaadho oo dadka iyo dalka u horseeda horumar iyo Caddaalad.”ayuu yidhi madaxweynuhu.

Wuxuuna intaas raaciyay. “Waxaynu nahay dal doortay Dimuqraadiyad, waxaynu qaadanay dimuqraadiyad, doorashooyin iyo hawlo fara badan ayaynu galaynaa, markaa Ahmiyada ay guddidaasi leedahay waa mid aad iyo aad u weyn,waa mid aad dalka iyo dadkaba uga baahan tihiin Kalsooni, Kalsoonidiina waad haysataan ee Illaahay Garabkiina ha galo oo ha idinla qabto.”

Si kastaba ha ahaatee, guddidan ayaa waxa hor yaalo hawlo badan kuwaas oo ay ka mid yihiin diiwaangelinta Cod bixiyeyaasha iyo in doorashaddu wakhtigeeddii dhacdo, maadaama oo ay ka hadhsan tahay muddo lix bilood ah, waxaana sida ugu dhakhsiyaha badan u qaadan doonaan tobabaro ku qaadan shaqooyinkooda, iyo sidii ay hogaan iskaga dhex dooran lahaayeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland