Dowladda Jarmalka oo Abaalmarinta 2014 siisay Xarunta Nabadda ee ELMAN


Axad, December 07, 2014 (HOL) — Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ahayd xarunta nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman lagu guddoonsiiyay abaalmarinta ay sanadkan bixinayso dowladda Jarmalka ayaa lagu qabtay xarunta dalkaas, iyadoo ay ka qayb-galeen madax ka socotay dowladda Jarmalka, baarlamaanka, siyaasiin, ururro, ganacsato, ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta Jarmalka iyo ururrada samafalka ka shaqeeya ee dalka Jarmalka.

Munaasabadda ayaa waxaa dhanka Somalia ka qayb-galay xubo ay ka mid ahayd, Fartuun C/salaam Aadan oo ahayd xaaskii uu ka dhintay ELMAN Cali Axmed oo ahaa aasaasihii xarunta nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee ELMAN oo lagu xasuusto wax-qabadkeedii sida waxbaridda iyo xannaaneynta carruurta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Elman ayaa lagu xusuustaa inuu furay dugsiyo caruurta yar-yar ee dabi-jiifka ah wax lagu baro, waxaa kaloo lagu xusuustaa erayadii uu ka tagay oo ay ka mid ahaayeen; Qalinka Qaado… Qoriga dhig.

Xafladda ayaa intii ay socotay waxaa heeso iyo majaajilo soo jiidatay dadkii ka qaybgalay oo dhan fanaanka Cabdi Baadil oo munaasabadda ka qaaday hees loogu talo-galay xarunta nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee ELMAN oo xarunteedu tahay Muqdisho.

Marti-sharaftii lagu casuumay xafladdaan waxaa ka mid ahayd; guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka, Asli Axmed Maxamuud, waxayna ka jeediyay munaasabadda khudbad ay ku matalaysay jaaliyadda Soomaalida ah ee Jarmalka ku nool.

Waxaa kaloo xafladda lagu soo bandhigay filimmo iyo sawirro ka tarjumaya wax-qabadka xarunta ELMAN , iyadoo Fartuun Cabdisalaam ay munaasabadda ka jeedisay khudbad ku baxaysay afka Ingiriiska; iyadoo xubnihii xafladdaas ka soo qaybgalay ay aad ula dhaceen khudbada oo arrimo badan ka hadlaysay.

Ugu dambeyn, madaxa xisbiga SPD Kurt ee dalka Jarmalka ayaa xaflada ku guddoonsiiyay Fartuun C/salaam abaal-marinta sanadkan 2014-ka ee dowladda Jarmalka ugu talo-gashay xarunta nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee ELMAN.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya